Qoraal xalay ka soo baxay Taliska ATMIS oo loo diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in inta u dhexeysa 10-ka ilaa 16-ka bishan ay gudaha xerada Xalane ka sameynayaan baaritaanno.
“ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka ilaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ATMIS.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli Guddoomiyaha Midoowga Afrika Muuse Faqi uu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo ergeyga u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira , isaga oo walaac ka muujiyay war murtiyeedkii xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee lagu sheegay in Madeira dalka looga eryay.
Guddoomiye Muuse ayaa dhanka kale bogaadiyay go’aankii madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in danjire Madeira uu dalka sii joogayo, hayana shaqo wanaagsan.
Statement of the Chairperson @AUC_MoussaFaki on the status of AU Special Representative for #Somalia: https://t.co/8GHX4BX1AN pic.twitter.com/I9aK8yasLa
— ATMIS (@ATMIS_Somalia) April 9, 2022