Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Ukur Yatani ayaa shaaciyay isbeddelo lagu sameeyay xeerarka u degsan uruurinta iyo maareynta canshuurta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka canshuuraha dalka ee KRA uu hadda ka dib awood u yeelanaya inuu la wareego hantida maalqabeennada aan bixin canshuurta laga doonayo sida baabuurta , maraakiibta iyo diyaaradaha.
Ukur Yatani ayaa xusay in KRA ay horay awood u lahayd keliya inay la wareegto dhulalka.
Isbeddelka la sameeyay ayuu tilmaamay in looga gol-leeyahay sare u qaadidda dakhliga qaranka.
Saraakiisha dambi baarista ee la shaqeeya maamulka KRA ayaa shaaciyay inay jiraan shirkado iyo shakhsiyaad maalqabeena ah oo aan bixin canshuur ah in ka badan 260 bilyan oo shilin.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka maaliyadda uu baarlamaanka dalka ka hor akhriyay warbixinta miisaaniyad sanadeedka 2022-2023-ka oo dhan 3.3 tiriliyoon oo shilin.