Golaha xeer dejinta ee dalka Canada ayaa meel mariyay mooshin ku saabsan in qaabka ay dowladda Shiinaha ula dhaqantay bulshada muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ay tahay xasuuq.
Tani ayaa xukuumadda ra’iisul wasaare Justin Trudeau ku cadaadinaysa in ay go’aan kani la mid ah soo saarto.
Mooshinka oo ay soo saareen xubnaha mucaaradka ayaa waxaa u codeeyay 266 oo ah xubnaha baarlamaanka Canada mana jirin cid ka soo horjeesatay.
Madaxa xisbiga mucaaradka ee Canada Erin O’Toole ayaa sheegay in ay goobjoogayaal iyo dad dhibaatooyinka ka badbaaday ay ka soo xigteen in ugu yaraan hal milyan oo qof oo isugu jiro qowmiyadaha Uighur iyo muslimiinta kale ee Turkic ay xerooyin ku jiraan.
Waxaa uu codeynta ka dib warfidiyeenka u sheegay in xadgudubyada dadkaas loo gaysanaya ay yihiin kuwo laga naxo.