IEBC oo sheegtay 3.1 milyan oo Kenyaan ah ay taageersan yihiin hindise sharciyeedka BBI

0
751

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa soo saaray natiijada xaqiijin lagu sameeyay ilaa 4 milyan oo ah saxiixyo laga soo uruuriyay shacabka.
Bayaanka IEBC waxaa ku cad in 3.1 milyan oo ah codbixiyayaal diiwaan gashan ay saxiixyadooda rasmiga ah ku taageereen qorshaha sharci beddelka ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Tani ayaa fursad u siinaysa golayaasha hoose ee ismaamullada dalka in ay sii amba-qaadaan doodda hindisaha BBI.
19-kii bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka ee dalka uu xaqiijiyay 1,140,845 oo saxiixyo ah tani oo suuragelisay in 26-kii Jannaayo hindisaha la xiriira aftida loo gudbiyo dowlad deegaanada wadanka.
Qorshaha BBI ayaa ilaa iyo hadda laga ansaxiyay 12 ismaamul halka laga diiday Baringo oo keliya.
Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo shakhsiyaadka kale ee sida weyn ugu ol-ololeynaya geeddisocodka sharci beddelka ayaa rajo ka muujiyay in ugu dambeyn galinka dambe ee maanta la heli doono tirada loo baahan yahay ee ah 24 dowlad deegaan si qorshahan loogu wareejiyo baarlamaanka.