Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Mombasa ayaa baaritaanno ku haya weerar xalay lagu bartilmaameedsaday ganacsade lagu magacaabo Cali Mtwasahu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka ganacsadaha rasaas lagu furay xilli uu marayay aagga loo yaqaano Pakistan ee Mombasa.
Ganacsadaha ayaa xilligaasi ka soo baxay masaajidka sida ay wararku tilmaamayaan.
Weerarka ayaa abaare 10-kii habeenimo ee xalay ka dhacay meel u dhow JCC Buxton ee Mombasa.
Wargeyska Nation ayaa ku warramaya in baabuurka ganacsadaha lala eegtay 22 rasaas ah.
Xubnaha qoyska ganacsadahan oo sido kale u sharraxan xilka xildhibaananimo ee deegaanka Mvita, ismaamulka Mombasa ayaa dhawaan warbaahinta la hadlay.
Qoyska iyo senatarkii hore ee Mombasa Xasan Cumar oo ay ganacsadaha saaxiibbo dhow yihiin ayaa sheegay in weerarka uu yahay mid siyaasadeysan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in rasaas badan ay ku dhacday ganacsadaha oo ilaa iyo hadda jirkiisa laga soo saaray 17 xabbo.
Ganacsadaha ayaa hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalaya qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da waxayna qoyska sheegayaan inuu ka badbaaday iskuday dil.