Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in musharraxiinta doonaya inay codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uga qayb galaan si madax bannaan ay haystaan ilaa 2-da bisha May oo ay guddiga ku wareejin karaan shahaadooyinkooda.
Shakhsiyaadkan ayaa looga baahan yahay inay xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ay ka soo qaataan dokumeenti caddeynaya inaysan xubno ka ahayn xisbiyada dalka.
Musharraxiinta madaxa bannaan ayaa sidoo kale guddiga u gudbinaya astaamaha gaarka u ah ee ay qorsheynayaan inay ololahooda u adeegsadaan.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa bayaan ku sheegay in magacyada musharraxiinta iyo astaamahooda lagu soo daabici doono wargeyska Kenya Gazette taariikhdu marka ay tahay 13-ka bisha May.
Chebukati ayaa xusay in aan musharraxa madax bannaan loo oggolaan doonin inuu ka qayb qaato doorashada guud haddii uunan buuxin shuruudaha ku xusan xeerka doorashooyinka ee Elections Act 2011.
Sidoo kale xisbiyada kala duwan ayaa haysta ilaa 9-ka bishan Afaraad oo ku beegan Sabtida si ay IEBC ugu gudbiyaan diiwaanka xubnahooda oo uu ansaxiyay xafiiska ORPP.
Xisbiyada waxay IEBC u gudbinayaan magacyada musharraxiinta matalaya , taariikhda iyo goobaha lagu qabanaya isreebreebka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in murannada la xiriira xulashada musharraxiinta ee xisbiyada la xalliyo ugu dambeyn 22-ka bishan .
Bayaanka IEBC waxaa ku cad in shakhsiyaadka u tartamaya xilka madaxweynenimo laga doonayo inay 23-ka bisha May guddiga IEBC dib ugu celiyaan foomam ay buuxin doonaan.
Iyadoo gudaha wadanka laga dareemayo ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee sanadkan ayuu guddiga IEBC ballanqaaday inuu codeynta u maareyn doono si ay caddaalad iyo hufnaan ku dheehan tahay.
Press Release – Statutory Timelines towards the 9th August, 2022 General Election https://t.co/9AlqkebtXV#GE2022 pic.twitter.com/WFezyP5llw
— IEBC (@IEBCKenya) April 5, 2022