Uhuru: Maamulkeyga dhibaato gaar ah kuma haya wadayaasha mootooyinka

0
442

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan jirin dhibaato gaar ah oo uu maamulkiisa ku haya wadayaasha mootooyinka.
Ganacsatadan ayuu ku boorriyay inaysan tacaddi kula kicin macaamiishooda si gaar ah dumarka.
Waxaa uu u soo jeediyay in marka la diiwaangeliyo ay ka faa’iidaystaan caymiska qaran ee caafimadka ee NHIF oo ayna kaalin ku lahaadaan kobcinta dhaqaalaha wadanka.