Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa xaqiijiyay in haddii doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan si caddaalad ah loogaga adkaado , uu aqbali doono natiijada codeynta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aanka kama dambeyska ah ee cidda xigta ee qabanaysa talada wadanka ay leeyihiin codbixiyeyaasha kenyaanka ah sidaas awgeedna ay ku qasban yihiin oggolaanshaha natiijada .
Mr. Odinga ayaa dhanka kale musharraxiinta la tartamaya ku boorriyay in iyagana haddii laga guulaysto aysan muran gelin codeynta.