Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Ukraine ayaa ciidamada Ruushka ku eedeysay inay dileen ka dibna gubeen meydadka haween badan.
Waxay wasaaraddu hoosta ka xarriiqday in meydadka afar ilaa shan haween ah lagu arkay waddo wayn oo 20 kiilomitir u jirta caasimadda dalkaasi ee Kyiv.
Qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay ayay ku sheegtay in Ruushku uu u dhaqmay si badowtinnimo ah.
Hasa ahaate warbaahinta Aljazeera oo arrintan tabisay ayaa sheegtay inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin.