Garsoore loo haysto faraxumeyn oo lagu xiray Bomet

0
379

Saraakiisha ammaanka ee deegaanka Sotik oo ka tirsan ismaamulka Bomet ayaa gacanta ku dhigay garsoore 51 sano jir ah oo lagu eedeynayo inuu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 17 sano.
Waxaa uu tuhmanaha ka howlgalaa maxkamadda magaalada Kehancha ee dowlad deegaanka Migori.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaakinka la qabtay ka dib markii maamulaha maqaaxida Sharies ee degmada Kaplong uu booliska wargeliyay.
Sida ku cad warbixinta booliska garsooraha oo lagu magacaabo James Ongondo oo ka soo jeedo Kisii ayaa gabadha goobtaasi faraxumeyn ugu gaystay.
Dhibbanaha ayaa loo qaaday isbitaalka degmada Kapkatet ee ismaamulka Kericho si ay u hesho daryeel caafimaad.