Kenya oo lagu qabtay shir ku saabsan la tacaalidda miinada dhulka lagu aaso

0
333

Dowladad Kenya ayaa toddobaadkan marti gelisay kal-fadhigii afaraad ee shirweynaha ka dhanka ah miinooyinka dhulka lagu aaso ee loo yaqaano IEDs.
Kulanka ayaa ka dhacay dugsiga taageerada baniaadanimo ee dhanka nabadda oo ku yaalla deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Waxaa ka qayb galay wakiilka Maraykanka ee Kenya ee dhanka gaashaandhigga Ronnie Westerman,iskuduwaha la dagaalanka argagixisada ee safaaradda Maraykanka Marc Jackson iyo injineer ka tirsan ciidamada difaaca wadanka ee KDF Swaleh Saidi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha lagu xoojin karo xakameynta adeegsiga miinooyinka dhulka la geliyo ee IEDs guud ahaan qaaradda Afrika.
Waxaa kulanka ka qayb galay in ka badan 70 xubnood oo matalayay waaxyaha daneeya arrimaha gaashaandhigga oo ka socday 21 waddan.
Qodobbada shirka lagu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in boqolkiiba 80 ee weerarrada argagixisannimo guud ahaan caalamka loo adeegsado miinooyinka dhulka lagu aaso.
Tan iyo sanadkii 2016-kii ,kooxda taageerta arrimaha nabadgalyada ee Britain (BPST) iyo ciidamada difaaca wadanka ee KDF oo iskaashanaya ayaa tababarro ku saabsan in xilli hore la ogaado oo la burburiyo miinooyinka dhulka la geliyo waxay siiyeen in ka badan 1,700 sarkaal oo isugu jiro militari iyo boolis ka soo jeedo 22 waddan.
Sidoo kale kooxda BPST ayaa bishii labaad ee sanadkan tababar siisay 15 sarkaal oo ka mid ah qaybta booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee ATPU-da, khuburrada burburiya bambooyinka iyo saraakiisha waaxda baaritaannada gaarka ah.