Taliyaha militariga dalka oo la kulmay dhigiisa Itoobiya

0
530

Waxaa kulan wada qaatay taliyaha ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta Robert Kibochi iyo dhigiisa wadanka Itoobiya Birhanu Jula.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhanka gaashaan dhigga ah oo ay dani ugu jirto dowladahooda.
Waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ka dhexeysa ee dhinaca ammaanka.
Arrimaha ay si gaar ah iskula meel dhigeen waxaa ka mid ah inay si wadajir ah u qabtaan tababarro lagu xoojinaya tayada ciidamada difaaca iyo inay wadagaan khibradahooda la xiriira sugidda ammaanka.
Kibochi iyo Jula ayaa isku raacay inay lagama maarmaan tahay ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashi iyo adkeynta cilaaqaadka dhanka difaaca ee laba geesoodka ah.
Sidoo kale waxay ballanqaadeen awoodsiinta xogga East Africa Standby Force (ESAF) oo ay Kenya iyo Itoobiya xubno ka yihiin.