William Ruto oo sheegay in Kenya Kwanza ay shacabka matasho

0
529

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in isbeheysiga Kenya Kwanza ee ay ku midoobeen xisbiyada UDA,ANC iyo Ford-Kenya uu yahay mid matalo danaha shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka la gaaro 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay meesha ka bixi doonto sida uu hadalka u dhigay siyaasadda ku saleysan khiyaannada.
Waxaa uu ku celceliyay in muddo dheer siyaasiyiinta ay marin habaabinayeen dadweynaha hasa ahaate codbixiyeyaasha ay hadda yihiin kuwo xog ogaal ah oo qofka ku dooranaya waxqabadkiisa.
Ruto ayaa dadweynaha ka codsaday inay garab siiyaan isbeheysiga uu ka tirsan yahay oo uu ku sheegay in u taagan horumarinta nolosha kenyaanka.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in siyaasiyiinta uu tartanka kala dhexeyo ay diiradda saarayaan sidii loo beddeli lahaa dastuurka wadanka u degsan iyadoo dhanka kale shacabka ay wajahayaan shaqo la’aan baahsan.