Taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Mr. Hillary Mutyambai ayaa go’aansaday inuu racfaan ka qaato ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo shilin taasoo uu dul dhigay guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uulkan uu ku guul dareystay inuu ka soo hormuuqdo xubnaha guddigan oo u yeeray.
Warqad uu Hillary Mutyambai u qoray karaaniga aqalka senate-ka Jeremiah Nyegenye ayuu ku sheegay inuusan si ula kac ah uga gaabin inuu guddiga hor tago sidaas awgeedna uu raali gelin bixinaya.
Taliyaha guud ee ciidamada ammaanka ayaa la doonayay inuu guddiga arrimaha dowlad wadaajinta ee aqalka sare faahfaahin ka siiyo sida ay ku dhacday in saraakiil boolis ah loo adeegsaday barakicinta qoysas degganaa dhulal ku yaalla xaafadaha Pumwani iyo Eastleigh oo la rumeysan yahay in shakhsiyaad maalgashato ah ay si sharci darro ah kula wareegeen.
Mutyambai ayaa intaasi ku daray in uruurinta macluumaadka dhabta ah ee la xiriira dhulalka lagu muransan yahay ay qaadatay muddo ka badan intii la rajeynayay.
Sidoo kale taliyaha guud ee booliska Kenya ayaa ku xigeenkiisa ku eedeyay inuusan la wadaagin taariikhda rasmiga ee laga doonayay inuu hor tago xubnaha uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Homa Bay Moses Kajwang.
Waxaa uu ballanqaaday inuu kal-fadhiyada dambe ka soo hormuuqan doono guddiga dowlad wadaajinta ee senate-ka maadaama uu fahansan yahay waajibaadka dhanka kormeerka hay’adaha dowladda ee golayaasha xeer dejinta sidaas awgeedna uu codsanaya in laga cafiyo ganaaxa lacageed ee la saaray.