Waxaa loolanka hoggaanka ee bisha Siddeedaad ee sanadkan qayb ka ah ugu yaraan 900 oo musharraxiin madax bannaan ah.
Mas’uulka ugu sarreysa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada wadanka Anne Nderitu ayaa hoosta ka xarriiqday in tiradan ay suurtagal tahay inay sare u sii kacdo.
Waxay intaasi ku dartay in dhanka kale ilaa iyo hadda la ansaxiyay 650 oo musharraxiin ah iyo astaamaha ay adeegsanayaan.
Hasa ahaate musharrax kasta oo doonaya inuu xil hoggaan u tartamo isagoo aan xisbi ama isbeheysi matalin ayaa haysta ugu dambeyn 2-da bisha Shanaad ee May si uu codsigiisa u gudbiyo.
Anne Nderitu ayaa sidoo kale meesha ka saartay in dib loo furi karo diiwaanka xubnaha xisbiyada oo la xiray Sabtidii la soo dhaafay .
Dhanka kale xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa haysta ilaa 22-ka bisha April si ay u xushaan musharraxiintooda madaxweyne ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.