Mandera iyo Wajeer oo ay ku nool yihiin dadka ugu saboolsan wadanka

0
439

Darasaad ay sameysay hay’adda World Poverty Clock oo uu fadhigeedu yahay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa lagu ogaaday in ismaamullada Wajeer, Mandera iyo Turkana ay ku nool yihiin shakhsiyaadka ugu saboolsan ee wadanka.
Dowlad deegaannada kale ee ku dadaalaya inay wax ka qabtaan heerka sarreeya ee saboolnimada waxaa ka mid ah Marsabit, Samburu, Isiolo, Garissa iyo Kajiado.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ismaamullada Nakuru iyo Siaya ay waddo saxan hayaan marka loo barbardhigo 14 dowlad deegaan oo kale oo doonaya inay saboolnimada ka jirta cirib tiraan ka hor sanadka 2030-ka.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in dowlad deegaanka Nakuru ay xoogga saarayso sidii ay ugu guulaysan lahayd hirgelinta hiigsiga waara ee dhanka horumarka ee (SDGs) oo qodobbadiisa ay ka mid tahay cirib tirka saboolnimada daran.
Kenya ayaa saboolnimada heerka sare ah ku qeexda in qoysaska iyo xubnaha ka tirsan uu qofkiiba isku celcelis ahaan bil walbo isticmaalo qarash ka yar 1,954 oo shilin marka la eego tuulooyinka iyo wax ka hooseeya 2,551 oo shilin ee magaalooyinka waawayn.
Warbixinta waxay tilmaamaysaa in ismaamulka Nakuru dadka saboolka ah ee ku nool ay tiradoodu tahay 185,819.
Heerka saboolnimada ayaa ku hooseeya ismaamullada Nairobi iyo Nyeri tani oo u dhiganta wax ka yar boqolkiiba 3.
Kenya waxay caalamka laga jirtaa nambarka 8-aad marka la eego sida ay u badan tahay tirada dadka saboolka ah ee ku nool halka Afrika ay ka gashay nambarka 6-aad.