Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in ciidamada booliska aynan hadda isku mashquulin doonin inay xabsiyada u taxaabaan shakhsiyaadka jeediya hadallada naceybka ku saleysan.
Waxaa uu xusay in si dhow loola socon doono arrimahan oo dadka caadeysta sida siyaasiyiinta xilal doonka ah la qaban doono ka dib doorashada guud ee bisha Siddeedaad.
Kibicho ayaa tilmaamay in musharrax hadda loo xiro hadal uu jeediyay ay ka dhigaysa mid bulshada dhexdeeda caan ka ah.
“Adiga sii wad in aad sharciga jebiso, waxaan gacanta kugu dhigaynaa bisha Sagaalaad” ayuu yiri Kibicho.