Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 12-ka duhurnimo ee maanta shaaca laga qaado natiijada imtixaanka qaran ee fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
23-kii bishan ayuu qorshuhu ahaa in natiijada imtixaanka lagu dhawaaqo.
Magoha ayaa ka hor inta uunan soo bandhigin natiijada warbixin la wadaagi doono madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Imtixaankan oo ah sanad-dugsiyeedkii 2021-ka ayay ardayda u fariisteen intii u dhexeysay 7-dii ilaa 9-kii bishan.
Waxaa ay ardayda buundada ee keeneen ku ogaan karaa, iyagoo farriinta gaaban ee 20076 ku diraya nambarkii imtixaanka ay isku diiwaangeliyeen.
Imtixaankan ayaa waxaa sameeyay arday dhan 1,225,597 milyan oo ku sugnaa 28,248 xarumood guud ahaan wadanka.
Waxaa imtixaanka kormeerayay 242,406 ah macallimiin uu u xilsaaray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Ardayda imtixaanka ku guulaysta ayaa lagu wadaa inay bisha Shanaad ee sanadkan ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare.