Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta, waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu isku dayay qorsho uu xafiiska uga saarayo madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay dacaayad ay faafinayaan dhinacyada ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inaysan macquul ahayn in sida uu hadalka u dhigay uu afgembiyo maamul dowladeed oo uu labo mar soo dhisay.
Waxaa uu ku baaqay in laga fiirsado waxyaabaha kala qaybin karo kenyaanka.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa shakhsiyaad uunan si toos ah u magacdhawin balse uu qeexay inuu tartan kala dhexeyo ka codsaday in xita haddii aynan taageersanayn ay ixtiraamaan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa intaasi ku daray inuu 9-kii sano ee ugu dambeeyay si daacadnimo ay ku dheehan tahay uu u gudanayay waajibaadkiisa dastuuriga ah oo uunan marna ku fikirin in madaxweynaha xafiiska laga saaro.
Hadalka William Ruto ayaa imaanaya saacado un ka dib markii kulan uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kula qaatay waxgaradka gobolka bartamaha uu ka sheegay in ku xigeenkiisa William Ruto uu isku dayay qorsho uu xafiiska kaga saari rabay.