Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay Saakay xirteen afaafka hore ee hoolka lagu qabto doorashada Golaha shacabka ee ku dhex yaalla gudaha xerada Lamagalaay.
Ciidamadan ayaa lasoo warinayaa inay ka gadoodsan yihiin habka madaxda Hirshabeelle ay u maamulayaan kursiga tirsigiisu yahay #059 oo lagu wado in doorashadiisa ay qabsoonto maalmaha soo socda.
Kursigan 059, ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu doonayo in loo xiro Xildhibaanad Samiira oo ku fadhisay kursigan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, taasoo ay ka biyo diidsan yihiin Musharraxiin kale oo beesha kursiga iska leh inloo xiro qoondo dumar.
Hoolka doorashada ayaa Saaka waxaa lagu waday inay ka dhacdo doorashada kursiga 058, kaasoo ay isku diiwaan geliyeen ilaa 7 Musharrax oo midi dumar tahay, waxaana kursigan uu ahaa mid doorashadiisa ay baaqaneysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ee Sabti iyo Axad Maantana qorshuhu ahaa in la qabto doorashada kursigan oo tartankiisu yahay mid adag.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo aad u hubeysan ay xirtaan afaafka hore ee hoolka lagu qabto doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka gadoodsan hab maamulka doorashada kuraasta qaar.