Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku eedeyay inuu lacagaha dadweynaha u adeegsanayo ololihiisa siyaasadeed ee uu ka wado guud ahaan wadanka.
Xilli uu shalay Odinga isku soo bax ku qabtay deegaanka Shinyalu ee ismaamulka Kakamega ayuu Ruto ugu baaqay inuu ka fagaado sida uu hadalka u dhigay munaafuqnimo.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka uu dhawaan sheegay in iyadoo qaybo ka mid ah wadanka ay abaar ka jirto in maamulka talada haya ee Jubilee uu toddobaad gudihiisa hal bilyan oo shilin ku qarash geliyay in dhanka Raila Odinga loo soo weeciyo siyaasiyiinta ka aragti duwan.
Hasa ahaate dowladda dhexe ayaan weli iska fogeyn ama qiran dhaliisha uga timid Ruto.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ballanqaaday in 100-ka cishe ee ugu horreysa maamulkiisa uu sameyn doono isbeddel ballaaran.
Xilli uu ka jawaabayay hadalka uu jeediyay Ruto iyo qaabka uu musuqmaasuqa ula dagaallami doono haddii uu hoggaanka qabto ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka yiri.