DHAGEYSO:Dhakhtar marqaati ka ah dilkii Sharon oo la helay ka dib markii la waayay

0
773

Waxaa ugu dambeyn isagoo badqaba la helay mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee dawooyinka ka bixiya isbitaallada ismaamulka Kisii oo lagu magacaabo Cliff Momanyi oo horay loo waayay.
Shakhsigan ayaa ka mid ah kiiska la xiriira dilkii Sharon Otieno oo ahayd gabadh ardayad ah oo lagu eedeyay barasaabka dowlad deegaanka Migori Okoth Obado.
Labo maalmood ka hor ayaa la waayay Cliff Momanyi.
Xoghayaha guud ee dalladda shaqaalaha caafimaadka ee (KUCO) laanteeda Kisii Victor Bwanchete iyo xubno kale ayaa dowladda ka dalbaday inay ninkan siiso ilaalo ku filan maadaama uu ka mid yahay marqaatida muhiimka ee dacwadda loo haysto Obado.
Waxay intaasi ku dareen in Cliff Momanyi uu aad u cabsanaya taasoo keentay inuu labo cisho dansado taleefoonkiisa gacanta si aan loo soo raad-raacin.