DHAGEYSO:Xildhibaanad Aamino oo Muqdisho aas qaran loogu sameeyay

0
716

Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay Alle ha u naxaristee Xildhibaanad Aamino Maxamad Cabdi iyo Nabadoon Cabdullahi oo lagu dilay qarax lagula beegsaday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Aaska Xildhibaan Aamino iyo Nabadoonka ayaa waxaa ka qayb galay dad farabadan oo isugu jiray Ehello, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale oo goobta aaska isugu yimid.
Qaar ka mid ah dadkii ka qAyb galay Aaska oo la hadlay warbaahinta ayaa Aamino Maxamad iyo Nabadoonka Alle uga baryeen inuu naxariista Jano ka waraabiyo, sidoo kalena samir iyo iimaan ka siiyo Ehelkooda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee xildhibaanad Aamino Maxamad oo ka tirsaneyd Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay qarax Ismiidaamin ah oo uu Magaalada Beledweyne kula beegsaday qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Meydka Xildhibaan Aamina ayaa shalay la geeyay Magaalada Muqdisho, waxayna intii aan la dilin ka hor ay doonaysay inay mar kale u tartanto kursiga ay ku fadhiday Sanadihii lasoo dhaafay, iyadoona Beledweyne ka waday olole doorasho balse amarku halkaas ugu tagay.