Nuurdiin Xaaji oo sheegay in cabsi gelin lagula kaco aysan saameyn ku yeelan doonin waxqabadkiisa

0
699

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa hoosta ka xarriiqay in xafiiska uu hoggaamiyo aysan wax saameyn ah ka soo gaari doonin hanjabaad lagu bartilmaameedsado.
Xilli uu ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Nairobi ayuu Mr. Xaaji xusay in isaga iyo saraakiisha ka hooseysa ay kenyaanka ugu adeegayaan si hufan oo waafaqsan xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu ku celceliyay in qaabka ay u wajahaan dacwadaha lagu soo oogo eedeysanayaasha ay tahay mid ku saleysan caddeymo kiiskaasi loo cuskan karo iyo xaqiiqada jirta.
Sidoo kale Nuurdiin Xaaji ayaa beeniyay in xafiiskiisa uu bartilmaameedsado siyaasiyiinta aysan isku aragtida ahayn hoggaanka maamulka talada haya ee Jubilee.
Waxaa uu dhanka kale waaxda garsoorka ee wadanka ku bogaadiyay inay 118 garsoorayaal ah u diyaarisay dhageysiga dacwadaha la xiriira doorashada .
Hasa ahaate waxaa uu waaxda caddaaladda ee Kenya ka codsaday inay dardargeliso dacwadaha ku saabsan jeedinta hadallada naceybka abuuri karo.