DCI oo soo dhaweysay xukun la saaray darawal lagu helay inuu argagixisada garab siiyay

0
489

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhaweynayso xukun xabsi daa’in ah oo dhawaan ay maxkamaddu ku ridday darawal lagu magacaabo Issac Ibrien Robow.
Ninkan ayay maxkamaddu sheegtay in lagu helay dembi ah inuu sanadkii 2019-kii fududeeyay fal Al-shabaab ay magaalada Mandera uga afduubatay labo dhakhaatiir ah oo u dhashay dalka Cuba oo halkaasi ka howlgelayay.
DCI ayaa sheegaysa in Issac la xukumay ka dib markii la sameeyay baaritaano qoto dheer oo ka dhan ah taasoo horseeday in la cadDeeyo dembigii lagu soo oogay.
Dhakhaatiirta xilligaasi la afduubtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Assel Herera Correa iyo Dr ,Landy Rodriguez.
Marka laga soo tago afduubka dhakhaatiirta waxaa falkaasi lagu dilay askari lagu magacaabi jiray Mutundo Kitambo oo dhakhaatiirta ilaalo u ahaa.
Mr. Ibrien ayaa la sheegay in 12-kii bishii afaraad ee sanadkii 2019-kii uu dhakhaatiirta ku wareejiyay kooxaha argagixisada, xilli ay saraakiisha caafimaadka ku wajahnayeen isbitaalka wayn ee ismaamulka Mandera oo ay ka shaqeynayeen.