Dowladda oo beenisay in canshuuraha lagu kordhinaya wadayaasha mootooyinka

0
327

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa beeniyay warar la faafiyay oo tilmaamaya inuu jiro qorsho ay dowladdu ku kordhinayso canshuurta laga qaado wadayaasha mootooyinka.
Xilli uu hadal ka jeediyay kulan ay shalay isugu yimaadeen wakiillada ganacsatada gaadiidkan ku shaqeysta ee 47-da ismaamul ee Kenya ayuu sheegay in wararkaasi aynan sax ahayn.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay kaarka dijitaalka ee la siinaya wadayaasha mootooyinka ay tahay in lagu nidaamiyo waaxdan balse aynan ahayn in canshuurta ay bixiyaan lagu kordhiyo.
Waxaa uu xusay in diiwaangelinta cusub ee wadayaasha dhugdhugleyda ay meesha ka saari doonto sida uu hadalka u dhigay dambiilayaal ka mid ah .