Ugu yaraan 3.1 milyan oo ka mid ah muwaadiniinta dalka kuwaasoo ku sugan 23 dowlad deegaan ayaa waxaa haysata cunno yari.
Hay’adda caalamiga ee Oxfam ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 28 milyan oo qof oo ku nool gobolka bariga Afrika ay macluul haysato.
Sidoo kale waxaa warbixinta ku cad in saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan in ugu yaraan 13 milyan oo ku nool dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ay deegaanadooda ka barakaceen iyagoo xoolaha u raadsanaya daaq iyo biyo.
Gobolka ayaa waxaa horay saameyntii ugu waynayd muddo 70 sano ah ay ka soo gaartay Ayaxa.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda Oxfam ,Gabriela Bucher, ayaa sheegay in qaramada midoobay ay dalbatay dhaqaale dhan 136 milyan oo shilin si macluusha jirta wax looga qabto.
Waxaa uu intaasi ku daray in codsigan dib loo eegi karo maadaama xaaladda ay sii xumaan karto haddii aanan roobab degdeg ah la helin.
Beeralay badan oo ku nool qaybaha kala duwan ee Kenya ayaa dareemaya culeysyo nololeed oo ka dhashay abaarta maadaama uunan da’in roob ku filan wax soo saarka beerahooda.
Ugu yaraan 30,000 oo ka mid ah shacabka ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayay abaartu si wayn u taabatay noloshooda.
Wararka ayaa tilmaamaya in maalinba maalinta ka sii dambeysa ay ka sii darayaan xaaladaha ka jira waddamada Kenya, Soomaaliya , Itoobiya iyo Suudaan saameynta abaarta awgeed.
Dhanka kale hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa laga soo xigtay in kastoo ugu yaraan 57,000 qoys cunno iyo lacago caddaan ah loo qaybiyay haddana waxaa gargaar cunno si aad ah ugu baahan 25,000 qoys oo kale.