Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay meel u dhow garoonka Aadan cadde

0
304

Ka dib markii rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay weerareen Goobo ku yaalla gagida diyaaradaha ee Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Booliska.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in laba shakhsi oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhaw garoonka, gaar ahaan dhinaca xerada mariino balse ay hor istaageen Ciidanka amaanka.
Weerarka ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Garoonka.
Waxaa uu si gaar ah saameyn wayn uu ku yeeshay duulimaadyada.
Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay weerarka, waxaana laamaha amniga weli aysan faahfaahin rasmi ah ka bixin khasaaraha ka dhashay.