Raila Odinga oo taageero ka helay marwada koowaad ee dalka

0
367

Marwada koowaad ee dalka Margaret Kenyatta iyo hooyada madaxweynaha wadanka, Mama Ngina Kenyatta ayaa labaduba taageeray musharraxnimada madaxweyne ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Mrs. Margaret oo markii ugu horreysay dareenkeeda ku biirisay geeddisocodka isbeddelka siyaasadeed ayaa hoosta ka xarriiqday in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu rajo wanaagsan ka leeyahay dalka.
Mama Ngina Kenyatta ayaa dhankeeda dhaliishay shakhsiyaadka aflagaaddada u gaysta madaxweyne oo ay carrabka ku dhufatay in aan lagu dayan doonin.
Waxay ku celcelisay in qofka oo meel fagaaro ah ka caaytamo ay muujinayso in aan si edeb leh loo soo abaabin.
Waxay difaacday go’aanka uu wiilkeeda oo ah madaxweynaha dalka uu ku taageeray musharraxnimada ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo ay ku tilmaantay mowqif uu wadanka ugu daneynaya marka uu talada wareejiyo ka dib.
Sidoo kale waxay sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta aan lagu eedeyn karin khilaafka kala dhexeya ku xigeenkiisa.
Shacabka ku nool gobolka bartamaha dalka oo ay kula hadleysay afkeeda hooyo ayay kula talisay inay raacaan jahada siyaasadeed ee uu u tilmaamo Uhuru Kenyatta.