Qaxootiga Rohingya oo soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay Maraykanka

0
499

Qaxootiga ka midka ah bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya ee ku sugan xerooyinka dalka Bangladesh ayaa soo dhaweeyay hadal uu jeediyay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Dhawaan ayay ahayd markii mas’uulkan uu caburintii lagula kacay bulshadan gudaha dalka Myanmar uu ku tilmaamay xasuuq loo gaystay.
In badan oo ka mid ah ilaa hal milyan oo qof oo qaxooti ku ah Bangladesh ayaa sheegay inay ku farxeen hadalka Blinken oo muujinaya in sanado ka dib xukuumadda Washington ay si dhab ah uga hadashay tacaddigii lagu bartilmaameedsaday sanadkii 2017-kii.
Sala Uddin oo ah 60 sano jir ku nool xerada qaxootiga ee Kutupalong ayaa sheegaya in dowladda Myanmar ay bulshada Rohingya iyo qowmiyado kale ay dhibaateynaysay tan iyo sanadkii 1962-dii sidaas awgeedna ay la tahay in hadda ay furantay waddo ay beesha caalamka tallaabo uga qaadi karto dowladda wadanka Myanmar maadaama Maraykanka uu mowqifkiisa caddeeyay.