Waxaa la filayaa in sanadkan gudihiisa uu dhaqaalaha wadanka kordho boqolkiiba 6.
Tani ayaa loo aaneynayaa inay sare u kaceen lacagaha ay dalka dib ugu soo celiyaan kenyaanka qurba joogta ah.
Saadaashan ayaa laga soo saaray kulan dhex maray guddiga qaran ee qaabilsan isku dubaridka arrimaha horumarka iyo isgaarsiinta ee (NDICC) iyo saaxiibada Kenya ee dhinaca maalgashiga.