Maalinta adduunka ee biyaha oo la xusayo

0
468

Waxaa maanta oo kale sanad walbo caalamka looga dabbaal degaa maalinta adduunka ee biyaha.
Xuskan ayaa la qabanayay tan iyo sanadkii 1993-dii sida laga soo xigtay qaramada midoobay.
Dabbaal deggan ayaa diiradda lagu saaraa muhiimadda ay leeyihiin biyo saafi ah.
Maalintan oo kale ayaa la sameeyaa wacyigelin ku aaddan sidii loo caawin lahaa 2.2 bilyan oo qof oo aan biyo nadiif ah haysan.
Ujeeddada laga leeyahay xuska World Water Day ee sanad kasta ayaa ah in dunida ay qaaddo tallaabooyin ka dhan ah biya la’aanta.
Sidoo kale waxaa dowladaha caalamka lagu dhiirigeliyaa inay ku dadaalaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen himilooyinka horumarka waara ee SDGs qodobka 6-aad oo qeexaya in aadanaha dhammaan ay sanadka 2030-ka helaan adeegyo ku filan oo dhanka biyaha iyo maareynta nadaafad darrada ah.
Sanadkan waxaa laga hadlayaa sida looga faa’iidaysan karo biyaha dhulka hoostiisa laga soo saaro .