Dowladda dhexe oo sheegtay inay maalgelin ballaaran ku sameysay biyaha

0
371

Iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta biyaha adduunka ayay dowladda dhexe sheegaysa in tan iyo sanadkii 2013-kii la hirgeliyay mashaariic waawayn oo dhanka biyaha ah.
Madaxtooyada wadanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo xilligaasi 9 milyan oo qoysas dheeraad ah ay heleen biyo saafi ah oo lagu gaarsiiyay xiriirinta tuubooyinka.
Dadkan ayaa ku nool magaalooyinka waawayn, degmooyinka iyo xaafadaha aan sida rasmiga ah loo deegaamayn.
Tirada qoysaska ee hadda biyaha nadiifka ah haysta ayay dowladdu ku sheegtay 15.9 milyan.