Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay xarunta madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi marti qaad ugu sameeyay ergeyga dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha gobolka geeska Afrika Ambasadoor Xue Bing oo Kenya safar ku joogo.
Ergeyga ayaa Kenya ku bogaadiyay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadato xoojinta nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay tahay halbowlaha nabadda ee geeska Afrika.
Ambasadoor Xue ayaa xusay in xukuumadda Beijing ay sii wadi doonto wada shaqeynta dhow ee kala dhexeysa Kenya ee dhanka xasilinta gobolka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Shiinaha ay soo jeedisay in la qabto shir ku saabsan arrimaha nabadda iyo horumarka oo ay ka soo qayb galayaan wakiillo matalaya waddamada ku yaalla geeska Afrika.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ergayga oo uu wehelinayay safiirka Shiinaha ee Kenya Zhou Pingjian, u xaqiijiyay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda dalkaasi iyo saaxiibada kale si xasiloonida gobolka ay u noqoto mid waarta.
Labada mas’uul ayaa dowladaha waddamada ay dagaalladu ka jiraan ee Itoobiya , Suudaan, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ku boorriyay inay qaab wada hadal ah ku xalliyaan dhibaatooyinka jira.