Kenya oo kaalinta 27-aad kaga jirta waddamada caalamka ugu niyad jabsan

0
656

Kenya ayaa kaalinta 27-aad ka gashay waddamada caalamka ee muwaadiniinteeda ay farxadda ku yar tahay.
Waxaa sidatan laga soo xigtay daraasad ay sameysay shirkadda World Happiness.
Kooxaha daraasadda sameeyay waxay su’aalo weydiiyeen dadyow kala duwan oo ku nool 146 dal si ay u ogaadaan farxadda ay haystaan.
Qodobbada daraasadda lagu eegayay waxaa ka mid ah, taageerrada bulsho uu helo, xurriyadda shaqsiyadeed, wadarta wax soo saarka gudaha (GDP), saameynta Covid-19 iyo heerka musuqmaasuq.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu ogaaday in bulshooyinka iyo shakhsiyaadka heerarka sare ay nolosha ay ka farxad badan yihiin kuwa heerarka hoose.
Kenya ayaa dhanka kale kaalinta 23-aad kaga jirta Afrika iyadoo dalka Mauritius uu yahay wadanka ay muwaadiniinteeda ugu farxad badan yihiin qaaradda.
Qaramada midoobay ayaa sanadkii 2012-kii, 20-ka Maarso u asteysay in sanad walba loo dabbaal dego maalinta farxadda adduunka.
Ujeeddada maalintan, waxay qaramada midoobay ku sheegtay in dadka dunida ku nool la dareensiiyo muhiimadda farxaddu ay leedahay.