Jimi Wanjigi oo maanta loo ansaxinaya musharraxa madaxweyne ee Safina

0
532

Waxaa xarunta Bomas of Kenya ee magaalada Nairobi haatan ka socdo shirweynaha ergada qaran ee xisbiga Safina ee uu hoggaamiyo garyaqaan sare Paul Muite.
Shirweynaha ayaa lagu wadaa in ganacsade Jimi Wanjigi loogu ansaxiyo inuu ka mid noqdo musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Madaxda ugu sarreysa ee xisbiga Safina ayaa haatan shir albaabada u xiran yahay uga socda xaruntaasi.
Hoggaamiyayaasha ku mideysan isbeheysiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza ee kala ah, madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto (UDA), madaxa ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ayaa la filayaa in shirweynahan ay kasoo qayb galaan.
Ganacsade Jimi Wanjigi ayaa xarunta Bomas si rasmi ah kusoo bandhigi doono ololihiisa madaxtinnimo.
Jimi Wanjigi oo horay uga tirsanaa ODM ayaa u soo wareegay dhanka Safina ka dib markii sida uu sheegay lagu mucaaraday qorshihiisa uu ku doonayay inuu la tartamo Raila Odinga.
Xisbiga Safina ayaa la aas-aasay sanadkii 1995-tii, waxaana si rasmi ah loo diiwaangeliyay labo sano ka dib xilligaasi.