Daadad saameyay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Indonesia

0
647

Wararka naga soo gaaraya magaala madaxda dalka Indonesia ee Jakarta ayaa sheegaya in fatahaado halkaas ku dhuftay ka dib ay guryahooda ka barakaceen in ka badan 1000 qof .
Waaxda saadaasha hawada ee wadankaas ayaa ka digtay in xaaladdan ay sii jiri doonto ilaa toddobaadka dambe.
Qaar ka mid ah 1,380 qof oo ku nool magaalada Jakarta ayaa loo daad gureeyay koonfurta iyo bariga magaaladaasi
Magaalada caasimadda ee Jakarta ayaa waxaa ku nool 10 milyan oo qof.
Daadadka ayaa dhererkoodu lagu sheegay yahay 1.8 mitir.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka Indonesia ee (BMKG) ayaa dhanka kale sheegtay in roobka ugu culus xilligan laga yaabo inuu ka da’o gudaha iyo hareeraha caasimadda maalmaha soo socda.
Waxaa laga cabsi qabaa in cimiladu aad u xumaato iyadoo la filayo, onkod iyo dabeylo xoog leh toddobaadka soo socda.
Daadadka ayaa imaanaya xilli Indonesia ay la daala dhaceyso cudurka Covid-19 iyadoo dalkaasi laga diiwaangeliyay kiisaska iyo dhimashada ugu badan ee dalalka Koonfur bari ee qaaradda Asia waxaana hoos u dhacay dhaqaalaha wadankaas.