Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maanta soo saartay qoraal ay dowladda dalka Tanzania ugu baaqayso inay la wadaagto macluumaadka la xiriira cudurka COVID-19 iyo tallaabooyinka ay qaadayso ee ka dhanka ah caabuqa corona.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in maamullada caafimaadka ee Tanzania ay si joogto ah isaga indha tireen codsiyo loo gudbiyay.
Waxaa uu Tedros ku celceliyay in uu bishii koowaad ee sanadkan arrinkan kala hadlay madaxa hay’adda ee qaaradda Afrika Matshidiso Moeti.
Wuxuu madaxa WHO intaa ku daray in kastoo tan iyo xilligaas uu saraakiil kala duwan la xiriiray weli in aynan soo bixin natiijo ku aaddan in dowladda Tanzania ay sida habboon uga taxaddarayso cudurka.
Mas’uulkan ayaa ku celceliyay in xaaladda Tanzania ee cudurka la xiriirta ay tahay mid walaaceeda leh.
Dhanka kale bayaan maanta ka soo baxay madaxtooyada Tanzania ayaa lagu sheegay in madaxweyne John Pombe Magufuli uu dadweynaha ku boorinayo in ay raacaan tallaabooyinka looga badbaadayo caabuqa.
Hoggaamiyaha Tanzania oo ka hadlay isticmaalka maaskarada ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa