Senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa laamaha ammaanka ee dowlad deegaankaasi ku boorriyay inay xaqiijiyaan badqabka musharraxiinta iyo codbixiyeyaasha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya ay ka jirto dimuqraadiyad sidaas awgeedna aanan loo baahneyn in qofka musharraxa ah laga hor istaago inuu deegaan tago si uu qorshihiisa uga dhaadhiciyo dadweynaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in codbixiyeyaasha ay xaq u leeyihiin in iyagoo aan la cabsi gelin ay codkooda ku taageeraan qofka ay aaminsan yihiin inuu wax u qabanayo.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Senatarka Garissa oo ku baaqay in la xaqiijiyo badqabka musharraxiinta iyo codbixyeyaasha