DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo beenisay inay bartilmaameedsanayso xulafada Ruto

0
369

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo ay dhowr mar jeediyeen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa oo ah in saraakiisha ammaanka iyo maamullada kale loo adeegsanaya in lagu bartilmaameedsado.
Xilli uu ku sugnaa Kirinyaga ayuu Kibicho hoosta ka xarriiqay inaysan jirin cid laga hor istaagay muujinta dareenkeeda siyaasadeed.
Waxaa uu ku celceliyay in saraakiisha dowladda dhexe ay u hoggaansamayaan xeerarka dastuuriga ah balse aanan marnaba laga gaabsan doonin ka falcelinta hadallada iyo tallaabooyinka wadanka dhibaato amni u horseedi karo.