Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegaya in isaga , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga keliya ay xog-ogaal u yihiin waxyaabaha uu ku qotomo heshiiskii keenay inuu taageero musharraxnimada madaxweynenimo ee ra’iisul wasaarihii hore.
Wareysi gaar ah oo uu saaka siiyay idaacadda Musyi FM ayuu Kalonzo ku sheegay in la dedejiyay qaabka ay in ka badan 20 xisbi ugu biireen isbeheysiga Azimio.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan arrimo dhanka sharciga ah oo la baal maray.
Mr. Musyoka waxaa uu intaasi ku daray in go’aanka uu markii saddexaad ku taageeray Raila Odinga uu ahaa midkii ugu adkaa ee uu qaato balse ay dani ugu jirto bulshadiisa.
Waxaa uu tilmaamay in magaca isbeheysiga uu yahay Azimio-OKA, oo haddii aanan wada xaajoodyada daacad laga noqon uu dib ugu laabanaya qowmiyadiisa si uu ugu caddeeyo tallaabada xigta.