Dowladda Shiinaha ayaa gaadiid dagaal iyo agab ciidan ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ku wareejisay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga ee wadankaas.
Gaadiidkan ayaa loogu tala galay inay ku Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamad Nuur Jaamac ayaa sheegay in Gaadiidka ay sigaar ah ugu Shaqeyn doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Munaasabadda wareejinta Gaadiidka ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka uu qayb wAyn ka qaadanayo la dagaalanka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Gaadiidkaan loo keenay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waqti loo baahnaa, sidoo kalena ay jiri doonaan Gaadiidka kale oo dowladda Shiinaha kusoo wareejin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dowladaha taageera Soomaaliya waxaa ay ku wareejiyeen Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, balse Ciidamada aysan weli ku guuleysan inay la wareegaan meelo badan oo ay maamulaan Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamad Nuur ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya la leedahay xiriir qoto-dheer, isagoona ooga mahadceliyay garab istaaga ay u sameeyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.