Wadayaasha mataatuuda oo sheegay inay kordhin doonaan qiimaha baabuurta lagu raaco

0
447

Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin mulkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda Simon Kimutai ayaa shacabka ku wargeliyay inay u diyaar garoobaan koror dhanka nooliga ah.
Arrintan ayuu u aaneeyay sare u kaca ku yimid noocyada kala duwan ee shidaalka oo uu sheegay inay culeys dheeraad ah ku keentay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maamulka maareynta tamarta iyo batroolka ee (EPRA) uu 5 shilin ku kordhiyay qiimaha shidaalka.
Mr. Simon ayaa difaacay go’aanka ay doonayaan inay dhawaan ku dhaqaaqaan.
Waxaa uu ku celceliyay inay ganacsato yihiin sidaas awgeedna wixii culeys ah ay tahay in macaamiishooda ay la qaybsadaan.