Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay khadka taleefoonka kula xiriiray ra’iisul wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida iyo Justin Trudeau oo ah ra’iisul wasaaraha Canada.
Madaxweyne Kenyatta ayaa dowladda iyo shacabka Japan u xaqiijiyay in Kenya ay garab taagan tahay ka dib dhul gariirkii ka dhacay.
Sidoo kale waxay isaga iyo Fumio ka wada hadleen arrimo ay labada waddan dani ugu jirto.
Waxaa ka mid ah shirweynaha caalamiga ee 8-aad ee Tokyo oo ku saabsan horumarka Afrika ee (TICAD8) kaasoo bisha Siddeedaad ee sanadkan lagu qaban doono dalka Tunisia.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ra’iisul wasaaraha Canada uga mahadceliyay xoojinta xiriirka dowladiisa kala dhexeya Kenya.
Sidoo kale waxay Kenyatta iyo Trudeau ay ka wada hadleen ganacsiga, ammaanka iyo nabadgalyada geeska Afrika.