Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in dacwado lagu soo oogo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru, Fahim Twaha oo ah guddoomiyaha Lamu iyo dhigiisa Tana River Dhadho Ghodana .
Mbarak ayaa hoosta ka xarriiqay in kiisaska ka dhanka ah mas’uuliyiintan ay soo jireen in muddo ah.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in siyaasiyiintan loo bartilmaameedsanayo mowqifkooda siyaasadeed.
Madaxa fulinta ee EACC ayaa xusay inay barasaabyadan maxkamadda la tiigsan doonaan ka dib marka oggolaansho ay ka helaan agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji.
Guddoomiyaha Kirinyaga ayaa lagu eedeynayaa inay isticmaashay lacag dhan 10.6 milyan oo shilin taasoo loogu talagalay safarro aan rasmi ahayn oo aynan u bixin.
Barasaabka dowlad deegaanka Lamu waxaa uu wajahayaa eedeymo ku aaddan in si aan habbooneyn uu magacaabid u sameeyay oo shakhsiyaad aanan u qalmin la shaqaaleysiiyay iyadoo uunan ansaxin guddiga adeegga dadweynaha ee ismaamulkaasi.
Hoggaamiyaha ismaamulka Tana River Dhadho Ghodana waxaa loo haystaa sida ay sheegtay EACC inuu si aan nidaam ahayn u soo iibiyay baabuur iyo mootooyin iyadoo aan howshaasi loo marin habraaca habboon ee soo iibsashada agabka.
Waxaa uu Twalib Mbarak beeniyay in guddiga EACC uu si gaar ah u beegsado siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto isagoo carrabka ku adkeeyay inay jiraan mas’uuliyiin kale oo baaritaano lagu hayo kuwaasoo ka tirsan xisbiyo kala duwan.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga UDA William Ruto uu sheegay in maamullada dowladda sida EACC, DCI iyo KRA loo adeegsado bartilmaameedsi siyaasadeed.