Martha Karua oo beenisay inay ka qayb galayso shirweynaha UDA

0
610

Madaxa xisbiga NARC Kenya Martha Karua ayaa beenisay wararka sheegaya inay maanta ka qayb geli doonto shirka ergda qaran ee xisbiga UDA oo ka dhacaya Kasarani.
Qoraallo ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayay Karua ku caddeysay in wararkaasi ay waxba kama jiraan yihiin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in xaqiiqada ay tahay inaysan xaadiri doonin kulanka NDC ee xisbiga UDA oo si rasmi ah madaxweyne ku xigeenka dalkas William Ruto loogu ansaxin doono musharraxa madaxweyne ee xisbiga.
Senatarka ismaamulka Tharaka-Nithi Prof. Kithure Kindiki ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Karua ay ka mid tahay martida la filayo inay kulanka soo xaadiraan in kastoo ay hoggaamiyaha NARC Kenya ugu dambeyn arrinkaasi iska fogeysay.