AKHRISO: Nuxurka khudbaddii xalay uu madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Mareykanka

0
441

Madaxwaynaha Jamuhuuriyada Somaliland ayaa waxa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Khudbadda madaxwaynaha uu xalay ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka ayuu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Somaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.
Dimuqraadiyadda
Madaxwayne Muuse Biixi ayaa farta ku fiiqay in Somaliland ay ku tallaabsatay hormarro dhinacyo badan ah, gaar ahaan dhanka dimuqraadiyadda.
Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland
Mr. Biixi ayaa dhanka kale sheegay in wadahadalladii u dhexeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay guul dareysteen, ayna tahay in laga socdo.
“Iyada oo ay jireen 9 wareeg oo wadahadallo ah, laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ilaa 2022-ka, natiijadii laga sugayay wadahadallada oo ahaa in lagu xalliyo hal qodob oo ahaa midka muranka dhaliyay, kaasi oo ahaa meeqaamka Somaliland, wax natiijo ah lagama gaarin, taas beddelkeeda Soomaaliya waxa ay wadaxaajodyada u isticmaashay in ay qaadato siyaasado lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo xasiloonida Somaliland,” ayuu yiri Mr Biixi.
Madaxwayne Biixi ayaa eedda guul darrada wadaxaajoodyada u xambaariyay madaxda dowladda fedraalka ee Soomaaliya.
“Marka Somaliland waxay rumeysan tahay in wadaxaajoodyada lagu guul darreystay in lagu gaaro hadafyadii looga gol lahaa, eedda guul darrada waa mid guud ahaan dusha u saaran Soomaaliya iyaga oo galiyay dadaallo lagu minja-xaabinayo wadaxaajoodyada, taasi waxay ka muuqataa ficilladooda gurracan,” ayuu yiri madaxwayne Biixi.
Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa carrabka ku adkeeyay in marna aysan dib u midoobi doonin Soomaaliya iyo Somaliland.
“Soomaaliya iyo Somaliland waligood dib uma midoobayaan, hadda iyo mustaqbalkaba, sababtoo ah hab fikirkeenna ayaa kala duwan, kuwa Muqdisho ku sugan tan iyo sanaddii 1960-kii ilaa maanta, 30 sano ayaan mideysneyn islamrakaana 30 sano labada dhinac-ba waxaa uu ku ahaa mid adag, waxaa jiray dagaal gudaha ah, 1960 waxaa la diiday dastuurkii, afgembigii dhicisoobay 1961,” ayuu yiri.
Madaxwayne Biixi ayaa intaasi ku daray in Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen “labo dal oo midoobey”.
“Kuwa Muqdisho ku sugan ilaa maanta waxa ay rumeysan yihiin oo maskaxdooda ka guuxaya in Somaliland tahay gobol yar oo ka tirsan Somaaliya, waxay iska indha tirayaan taariikhda ah in aan ahaan jirnay labo dal oo madaxbanaan oo si iskood ah isugu biiray, laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka Muqdisho ku sugan taas ma rumeysno, marka ma jiro qaab ay Somaliland marnaba ku aqbaleyso in ay Soomaaliya la midoobaan,” ayuu kusii daray.
Taiwan iyo Somaliland
Madaxwayne Biixi oo dhanka kale wax laga waydiiyay arrinta xiriirka Taiwan ayaa sheegay in Shiinuhu ay aad uga carreysan yihiin xiriirka sii xoogeysanaya ee Taiwan iyo Somaliland.
“Arrinta Taiwan, shiinaha waxa ay aad uga xun yihiin in Somaliland ay xiriir la yeelatay Taiwan oo xafiis ganacsi aan ka furannay Taiwaan iyagana ay caasimaddeenna ka furteen, laakiin Somaliland waa dal madaxbannaan, dhaqaale ahaan ma xoogganin, militari ahaan ma xooganin, sabool ayaa nahay, laakiin qab ayaan leenahay, go’aanadeena-na annaga ayaa gaareyna, cid galaangal nagu yeelan kartana ma jirto,” ayuu yiri Mr Biixi.
Duullaanka Ruushka ee Ukraine
Madaxwaynaha Somaliland oo sidoo kale wax laga waydiiyay duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sheegay in dhibaatada ay hadda ku jiraan dadka reer Ukraine ay horay u soo mareen, ayna ka xun yihiin waxa ku dhacaya.
“Waxaan u maleynayaa Ukraine in aan kala duwanahay, laakiin waxaan wadaagnaa dhibaatada, dhimashada, qaxootiga, duqeymaha dhammaan arrimahan waan wadaagnaa islamarkaana khibrad wanaagsan ayaan u leenahay oo dadkii ugu horreeyay oo la kulmay dhibaatadan oo kale ayaan nahay, marka waan dareemeynaa waana ka xunnahay, mana taageereyno in duqeymo lala beegsado magaalooyin, dumar iyo carruur taasi dagaal ma aha ee waa xasuuq,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad ka helay hay’adda The heritage Foundation ayaa imika booqasho ku jooga dalka Maraykanka, waana boqashadii ugu horreysay oo uu halkaasi ku tago.