Kalonzo Musyoka: 20 jeer ayaan taageeri doona Raila Odinga aniga oo u daneynaya dalka

0
648

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa shaaca ka qaaday in 20 jeer uu taageeri doono ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga, haddii ay taasi wadanka u horseedeyso midnimo.
Kalonzo Musyoka oo wareysi gaar ah siiyay teleefishinka maxalliga ee KTN ayuu sheegay in tallaabadii uu markii saddexaad ku taageeray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay tahay mid isaga kasoo go’aday, islamarkaana aysan ahayn mid la qasbay ama lala gorgortamo sida ay dad badan qabaan.
Waxaa uu difaacay tallaabadii uu markii saddexaad xilka madaxtinimo ku taageeray Raila Odinga.
Hasa ahaate bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii Kalonzo uu sheegay inuu noqonayo qofkii ugu doqonsanaa dunida haddii uu markii saddexaad taageerro siiyo Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in sababta uu sidaasi u yiri ay tahay inuu jiray heshiis dhigayay in haddii isbeheysiga NASA uu ku guulaysto doorashada 2017-kii ama uu ku guul dareysto labaduba Mr. Odinga uu xilliga codeynta guud ee xigta uu taageeri doono musharraxnimada Musyoka.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale sheegay inuu jeclaan lahaa in Raila Odinga uu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka, islamarkaana uu socdaal ku tagi doono guud dalka si uu ugu ololeeyo madaxa xisbiga ODM.
12-kii bishan ayay ahayd markii Mr.Odinga loo ansaxiyay hoggaamiyaha isbeheysiga hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja, marka ay Kenya doorasho guud ka dhacdo 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan, ka dib 21 xisbi saxiixay heshiis ay ugu biirayaan isbeheysiga Azimio.
Mr.Musyoka ayaa dhanka kale carrabka ku dhuftay uu diyaar u yahay la shaqeynta Raila Odinga, balse wada xaajoodka cusub uunan ka maqnaan doonin heshiiskii 2017-kii.