Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa gaaray magaalada London ee caasimadda boqortooyada ingiriiska, halkaas oo la filayo in uu kulamo kala duwan uu ku qabto.
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wakiilka sare ee Kenya u fadhiya boqortooyada UK Manoah Esipisu.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa halkaasi kula kulmi doonaa Kenyaanka qurbajoogta ah.
Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio ayaa xalay u safray boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa safarka ku wehelinayaan barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho dhigiisa Kitui Charity Ngilu ,xildhibaanka bariga Suna Junet Maxamad, guddoomiyaha Nakuru Lee Kinyajui, xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth waxayna ku biiri doonaan xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli.
Safarka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa imaanaya ka dib markii dhawaan madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu soo gabagabeeyay safar uu maalmo ku joogay Maraykanka iyo UK.
17-ka bishan oo Khamiista ku beegan ayuu hoggaamiyaha xisbiga ODM kulan la qaadan doonaa Kenyaanka qurbajoogta ah.
Shirka ayaa ka dhacaya magaalada London waxaana ka qayb geli doono shacab iyo mas’uuliyiin.
Kenyaanka ku nool Ingiriiska, Maraykanka, Canada , Jarmalka iyo waddamo kale ayaa markii ugu horreysay fursad u helaya inay ka qayb galaan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
#BabaThe5th has arrived safely in the UK. pic.twitter.com/CDVkao6WAP
— Azimio TV (@AzimioTv) March 14, 2022