DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo dalbaday in la kala diro shaqaalaha GAWASCO

0
427

Guddoomiyaha golaha suuq geynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Camey ayaa doonaya in la kala diro maamulka iyo shaqaalaha shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee magaalada Garissa (GAWASCO).
Waxaa uu howlwadeennada shirkaddan ku eedeynayaa inay ku guul dareysteen xallinta caqabad dhinaca biyaha ah oo mudd ka jirtay qaar ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.
Dubat ayaa dhibaatooyinka dhanka biyaha ee Garissa u aaneeyay dayacaad mas’uuliyadeed oo ka dhex jirta shirkadda GAWASCO.